Maxaa Caawa Ka Socda Hoteelada Muqdisho?

by Farah C/laahi | Thursday, Feb 23, 2017 | 28 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Waxaa durbaba bilowday Olole laga dareemayo Hoteelada ku yaal Magaalada Muqdisho, kaasi oo ku qotoma Ra’iisal wasaaraha cusub ee maanta uu soo magacaabay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ololahan ayaa waxaa wada xubno siyaasiyiin ah oo magac ku leh siyaasada Soomaaliya iyo barlamaanka 10aad ee hada jira.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xubno u badan xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ay la kulmayaan intabadan xildhibanada, isla markaana ay doonayaan in xildhibaanda kale ay ka dhaadhiciyaan in la codka kalsoonida la siiyo Ra’iisul wasaaraha cusub.

Hoteelada Muqdisho ugu waa weyn ayaa caawa waxaa lagula kulmaayaa xildhibaanada,waxana Ololaha horboodaya Xildhibaan Xasan Macalin iyo Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xisbiga Daljir.

Waxaa sidoo kale jira siyaasiyiin heysta balan qaadyo ku aadan in waasiiro laga dhigi doono, kuwaasi oo la kulmaya xildhibaanada beeshooda, isla markaana ka dhaadhicinaya in ay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa ah siyaasi ku cusub saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya, hase ahaatee, waxaa la rumeysan yahay in ay jiraan siyaasiyiin gadaal ka jooga Magacaabistiisa.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response