Mas’uul ka tirsan Laanta socdaalka oo La Xiray

by Farah C/laahi | Sunday, Jan 22, 2017 | 55 views

GAROOWE (Garsoor Online) — Ciidamada Amaanka Puntland ayaa Xabsiga u taxaabay Agaasimihii Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Gobolka Bari ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Axmed Dhagadheere.

Wararka ayaa intaa waxaa ay ku darayaan in Agaasimaha Waaxda Socdaalka Gobolka bari Lagu Xiray magaaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Ilo Wareedyo Ku Sugan magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa u Sheegay Garsoor Online in Xariga Agaasiamaha Salka uu Ku Hayo Arimo Ku aadan Xafiis uu dhawaan uu ka soo furay degmada Buuhoodle, islamarkaana Mas’uuliyiinta Puntland ay u heystaan sababta uu u furay Xafiiskaasi ka shaqeenaya Howlaha Socdaal  Sida uu Xaqiijiyey Cabdi Fitaax Cawil Gudoomiyha Degmada Buuhoodle ee Maamulka Khaatuma

Waxa uu intaa hadalkiisa ku daray in Xarigan uu ka danbeeyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakiim Camey oo ka soo jeeda deegaanada Khaatumo.

Gudoomiyaha Degmada Buuhoodle Cabdi Fitaax Cawil ayaa talaabadaasi ku tilmaamay mid looga soo horjeedo hormarka deegaanada Khaatumo, waxana uu ku baaqay in la siidaayo.

Garsoor Online — GAROOWE

Like it? Share it!

Leave A Response