Mareykanka oo hadal ka soo saaray Golaha Wasiirada cusub

by Farah C/laahi | Wednesday, Mar 22, 2017 | 7 views

Muqdisho (Garsoor Online)—Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay magacaabista Golaha Wasiirada Cusub uu Shalay ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu amaanay dadaallada uu Ra’iisl Wasaare Kheyre ku magacaabay Golahiisa Wasiirada oo ay ka mid yihiin Haween.

Mareykanka ayaa sidoo kale waxuu ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay meelmariyaan Golaha Wasiirada cusub.

Waxaa ay sheegeen in ansixinta Golaha Wasiirada cusub ay xoojineyso awoodo Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Wasiirada cusub ay wax badan ka qaban doonaan amaanka Caasimada Muqdisho iyo abaaraha xoogan ee ka jira Gobolada Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, Mareykanka ayaa ku celiyay markale in uu taageero la garab taagan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Dagaal Xoogan kula jirta Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response