Maraykanka oo Celinaya 4kun oo Soomaali ah oo ku sugan dalka Maraykanka

Maraykanka oo Celinaya 4kun oo Soomaali ah oo ku sugan dalka Maraykanka

0
SHARE

Safiirka Soomaaliya u Fadhiya  Mareykanka ayaa  sheegay in dowladda Mareykanka ay ku Wargelisay in ka badan 4,000  kun oo qof oo lagu soo celinaayo Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka ay u kusoo celinayso dowladda Mareykanka Soomaaliya in aysan aheyn kuwa ku jira Xabsiyadda oo keliya.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay dowladda Mareykanka ay ka doonayaan Faahfaahino la xariira sababta loo soo tarxiilo dadka Soomaaliyeed.

Mudane Cawad ayaa xusay in uu la kulmi doono Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka uun arintaasi kala hadli doono.

Safiirka ayaa tilmaamay tan iyo markii dib loo furay Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka in ay jireen dad badan oo lagu soo celiyay Soomaaliya ,islamarkaana laga soo tarxiilay Mareykanka.

LEAVE A REPLY