Madfac Ku Habsaday Qoys Qura gobolka Sh/hoose

Madfac Ku Habsaday Qoys Qura gobolka Sh/hoose

0
SHARE

BUULOMAREER (Garsoor Online) — Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ee koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in qoys Soomaaliyeed oo dagan deegaanka Buulomareer uu ku habsaday Mafac laga soo tuuray duleedka deegaankaasi.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Garsoor Online in hal qof oo haweeney da’ aheyd ay geeriyootay, 8 ruux oo kalana ay dhaawac meen kuwaasi oo isku qoys ah.

Wararka ayaa sheegaya in qoyska dhibaatadu gaartay ay ku sugnaayeen hoygooda xiliga madfaca uu ku soo dhacayay.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho, madaama xarumo caafimaad oo adeeg wanaagsan leh aysan aan laga heyn gobolka Sh/hoose.

Xasan Jaamici oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Guutada 3aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa u sheegay Garsoor Online in madaafiic Al Shabaab ay ku soo weerareen Buulomareer mid kamid ah uu ku dhacay guri ay dagan yihiin qoys Soomaaliyeed.

Waxa uu ku eedeeyay Al Shabaab in ay ka danbeeyeen falkaasi, madaama ay magaalada Madaafiic ku soo weerareen.

Magaalada Buulomareer ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidanka dowladda Soomaaliyeed.

Tacadiyada loo geysanayo dadka rayidka ah ee ka dhacayo gobolka Sh/hoose ayaa sii kordhaya, waxana falalkaasi geysanaya inta badan Ciidanka AMISOM, kuwa Dowladda iyo Al Shabaab.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY