Madaxda Maamulka Galmudug oo Muqdisho looga Yeeray – Maxaa Loo Sheegaa?

Madaxda Maamulka Galmudug oo Muqdisho looga Yeeray – Maxaa Loo Sheegaa?

0
SHARE

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay u yeertay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ahna ku simaha Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa imaan doona Madax ka socota Maamulka Ahlusunna oo qeyb ka ah wada hadalka ku aadan Doorashada Galmudug.

Madaxdan loo yeeray ayaa waxaa lagala hadli doonaa wada hadalka la filayay in 10-ka Bishan uu dhexmaro Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna, taasi oo Ahlusunna ay qeyb uga noqon doonto Doorashada Galmudug.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa dhowaan ku heshiiyay in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu balansanaa in ay dhacdo, balse la isku afgartay in 30-ka Bishan la qabto.

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa todobaadkii ina dhaafay socdaalkiisii ugu horeeyay waxa uu ku tagay Magaalada Cadaado, tan iyo markii loo magacaabay xilkan, isaga oo halkaasi u tagay arrimo la xiriira Doorashada Galmudug.

LEAVE A REPLY