Maamul Goboleedkee ugu Musharaxiin Badan PL vs Gal

by Farah C/laahi | Sunday, Jan 29, 2017 | 27 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Doorashada sanadkan 2017 ka dhici doonta Soomaaliya ayaa waxaa saameyn weyn ku leh Maamul goboleedyada dalka jira, waxana jira xifaaltan xaga maamulada ah oo hada la dareemayo.

Musharaxiinta Isdiiwaan galiyay ayaa ka soo jeeda Maamul goboleedyada dalka ka jira, iyadoo maamulkasta uu doonayo in sanadkan uu helo xilka Madaxweynaha, marka laga reebo maamulka Koofur Galbeed iyo Somaliland.

Tartanka ugu badan ayaa waxa uu dhex mari doonaa afar maamul goboleed oo labo labo isku kaashanaya.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo aragti ahaan isaga dhaw maamulada kale ayaa doonaya in doorashadan uu ku soo baxo sakhsi ka soo jeeda labada maamul midkood, waxana ay aaminsan yihiin in isbadal ay dalka ku hogaamin karaan.

Sidoo kale Maamulada cusub ee Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa iyaguna aragti ahaan iska agdhaw, waxana ay doonayaan in soo baxo madaxweyne ka soo jeeda labada maamul midkood.

Xifaaltankaa xaga siyaasada ayaa socda mudada ka dhiman doorashadana aad ayay u yartahay, hadaba wax ka ogaaw sida ay musharaxiinta uga soo kala jeedaan Maamul goboleedyada dalka.

Maanta ayaa la soo xiray diiwaan gelintay Musharaxiinta Xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya Halkan Ka Aqri Tirada Musharaxiinta isdiiwaan gelisay.

Musharaxiinta ka soo jeeda Puntland.

Musharax Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke

Musharax Cali Xaaji Warsame

Musharax C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole)

Musharax Saciid C/laahi Dani

Musharaxiinta ka soo jeeda Galmudug

Musharax Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle

Musharax Xasan Sheekh Maxamuud

Musharax Cabdinasir Cabdulle Maxamed

Maxamed Maxamuud Culusow

Saciid Ciise Maxamuud

C/laahi Cali Gees

Musharaxiinta Ka soo jeeda Jubbaland

C/laahi Ciilmooge Xersi

Musharaxiinta ka soo jeeda Hirshabeelle

Shariif Sheekh Axmed

C/qaadir Cali Cosoble

C/raxmaan C/shakuur Warsame

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

Bashiir Raage Shiiraar

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response