Maalintee Barlamaanka Soomaaliya ka doodayaan Saldhiga Berbera?

by Farah C/laahi | Tuesday, Apr 4, 2017 | 10 views

Barlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya ka doodista Saldhiga Berbera ay ka furanayaan Imaaraadka Carabta.

Afhayeenka Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaanada ay ka doodi doonaan arrinta saldhiga Berbera.

Jawaari ayaa xaqiijiyay in Sabtida soo aadan ee Todobaadka danbe xildhibaanada la horkeeni doono arintaasi.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Somaliland heshiis kula gashay in Saldhig ciidan ay ka sameystaan Berbera.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxba kala socon heshiiskaasi waxana muuqaneysa in ay si aad ah uga soo horjeedaan.

Like it? Share it!

Leave A Response