Kooxo hubeysan oo mas’uul ka tirsan DFS ku Dilay Magaalada Muqdisho

by Farah C/laahi | Wednesday, Mar 8, 2017 | 48 views

Muqdisho (Garsoor Online) –Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa Caawa Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho waxey ku Dileen Guddoomiyaha Waaxda Heegan ee Maamulka Degmada Yaaqshiid.

Marxuuma oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Takow (Macalin Shabeeley) ayaa dilkiisa waxaa fuliyay labo Ruux oo dhalinyaro ah, kadib markii laga soo baxay Salaada Maqrib.

Goobjooge ayaa waxuu sheegay in Dableydii ka dambeysay Dilkaasi in ay isaga baxsadeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa amanka ee Maamulka Degmada oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah balse lama soo sheegin hadii ay dad u soo qab qabteen Dilkaasi.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Dilka Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response