Kooxda Bayle Hawl Baa U taala… Qormo Xiiso Badan

by Farah C/laahi | Wednesday, Feb 1, 2017 | 67 views

AbdiNasir Hesri Iidle (Garsoor Online) — Gudiga Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya oo dhowaan la magacaabay waxaa shalay soo gaartey dharbaaxo hadii si loo fiiriyo aaney filayn hadii si kale loo eegana ay u bareereen, sababtoo ah waxay go’aansadeen in Dooda Murashaxiinta laga tebiyo Telefishinka Dowladda kaliya iyadoo weliba aan toos ah ahayn, waxayna diideen in Telefishinada kale ay xaq u leeyihiin iney dooda tebiyaan.

Waxaa mahadsan murashaxiintii fahmey shirqoolka loo dhigay oo ka dhiidhiyey… Oraah baa ahayd. “Oohintu Orgiga ka wayn” Xalinta arintaas Gudiga waxaa shalay ka soo yeertay Internet-ka ayaa halaysnaa…Waxaasina cudurdaar ma noqdaan.

Waxaa taas ka sii horaysey in mid ka mid ah Gudiga Doorashada uu meel fagaare ah ka yiraahdo Codkayaga waxaan siinaynaa Hebel… isagoo koox ka wakiil ah, taasoo loo fahmey……..…???

Mudane Bayle oo karaama badan loo hayo oo ay wehliyaan Gudiga Anshaxa la magacaabay hawl badan ayaa u taala, tasoo ah iney doorashada dhexdhexaad iyo Cadaalad ka ahaadaan. Hadii aaney talaabo qaadin saacadaha soo socda oo aaney dadka wax qanciya u sheegin waxay lumin doonaan kalsoonida loo hayo, waxayna noqon doonaan gudi Fashilmay.

Waad Mahadsan Tihiin.

W/Q: AbdiNasir Hesri Iidle

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response