Kolonyo AMISOM ah oo Lagu Qarxiyay M. Muqdisho

by Farah C/laahi | Wednesday, Jan 25, 2017 | 27 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Koley Gaadiidka Ciidanka Midowga Afrika ah oo marayay inta u dhexeysa Isgoyska SOS iyo Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay qarax miino oo wadad loo dhigay.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Garsoor Online in qaraxa miino la dhigay Daarta Maalin Taajir isla markaana ay ku qaraxday Gaadiidka AMISOM oo galabta halkaa marayay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu haleelay mid kamid ah Gaadiidka AMISOM, iyadoo ciidanka AMISOM ay goobta ka jiiteen qaraxii qaraxa ku burburay.

Si rasmi ah looma oga qasaaraha ka soo gaaray Ciidanka AMISOM qaraxaasi, hase ahaatee wararku waxa ay sheegayaan in uu jiro waxyeelo soo gaartay Ciidamo AMISOM ah oo gaariga qaraxu haleelay la socday.

Ma jirto Koox sheegtay mas’uuliyada qaraxaasi lala eegtay Ciidamada AMISOM ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response