Kenya oo Shacab ku xasuuqday Jubbada Hoose

by Farah C/laahi | Wednesday, Jan 25, 2017 | 122 views

BADHAADHE (Garsoor Online) — Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwa Midowga Afrika ee Amsiom ayaa dad rayid ah waxaa ay ku dileen Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada hoose ka dib markii Weerar duulaan ah ay ku qaadeen halkaasi.

Korneyl Adan Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Gobolada Jubbooyinka ayaa ku eedeeeyey kolonyada Kenya in dad shacab ah islamarkaana reer guuraa ahaa ay ku soo dileen halkaasi,isagoona sheegay in ku dhawaad 10 ruux lagu dilay Degmadaasi.

Korneylka ayaa waxaa uu shaaciyey in aan la aqbali karin in Ciidamada Kenya ay dad  rayid ah ay laayaan wuxuuna intaa ku daray in Ciidamada huwanta ay bar tilmaameed ay ka dhigtaan dadka rayidka ah.

Halkaan ka Dhageyso Wareysiga 

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response