Kenya oo Hub Ka Furatay Al Shabaabka Badhaadhe

Kenya oo Hub Ka Furatay Al Shabaabka Badhaadhe

0
SHARE

NAIROBI (Garsoor Online) — Dowladda Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in ay Xarakada Al-Shabaab ay ka qabsaday Qoryo iyo sidoo kale Bambooyin ka dib howlgalkii shalay ka dhacay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay xustay in ay gacanta ku dhigtay 8 qori oo ah nuuca loo yaqaano AK47 iyo sidoo kale Bambooyin.

Afhayeenka Ciidanka Kenya Col. Paul Njuguna ayaa sheegay in hubkaan ay ka heleen meel wadda dhinaceeda ah.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan hubkaan ay dowladda Kenya ay sheegtay in ay ka qabsatay Al-Shabaab.

Shalay ayay aheyd Markii ciidamada dowladda Kenya iyo sidoo kale kuwa Jubbaland ay dagaal kula wareegeen degmada Badhaadhe.

Xigasho: Radio Risaala

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY