Kalfadhigii 1aad ee Barlamaanka oo la soo Xiray

by Nuradiin Shardi | Sunday, Apr 30, 2017 | 11 views

Muqdisho(Garsoor Online) — waxaa galabta Xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho lagu xiray kalfadhigii 1aad ee Barlamaanka Soomaaliya kaasi oo ka qeyb galeen xubnaha guud ee Barlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xiray kalfadhigii barlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa ay warbixino ka dhageysteen Gudiyada Amniga Arimaha Gudaha Gudiaga Abaaraha iyadoona ay gudbiyeen arimo ku aadan halka ay mareyso Abaarta ka jirta Soomaaliya

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in kalfadhiga koowaad lagu soo doortay Madaxweynaha, ansixinta Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiradiisa iyo Barnaamijka Xukuumadda.

Jawaari ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya Xildhibaanada ay galayaan fasax, isagoo xusay in 2-da bisha July ee soo socota uu furmi doono kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response