Waa Imisa Musharaxiinta Isdiiwaan Galiyay Hada

Waa Imisa Musharaxiinta Isdiiwaan Galiyay Hada

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Waa socota Isdiiwan galinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxana soo baxaya tirada ilaa iyo hada is diiwaangalisay.

Gudigga Doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa iyo hada ay is diiwaan galiyeen 4 musharax oo ah kuwa u tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaliya.

Gudoomiyaha Gudigga Doorashada Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa sheegay in musharaxiinta si wanaagsan ay u soo dhaweynayaan, isla markaana diiwaan galintu ay socoto.

Diiwaan galinta musharaxiinta ayaa ka socota Xarunta Villa Hargeysa, waxana musharaxiinta isdiiwaan galiyay waxaa ka mid ah:

Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Musharax Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake

Musharax Cabdulqaadir Cosoble Cali

Musharax Maxamuud Maxamed Culusoow

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY