Magacyada Musharaxiin Isdiiwaan Galiyay ilaa hada

by Farah C/laahi | Saturday, Jan 28, 2017 | 10 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Gudigga Doorashada Soomaaliya ayaa soo bandhigay tirada Musharaxiinta ilaa iyo hada isdiiwaan galiyay kuwaasi oo ka qeybgali doona tartanka Madaxweynaha.

Musharaxiinta Isdiiwangaliyay ayaa sidoo kale buuxinaya sharuudaha laga doonayo iyadoo sidoo kale la gudoon siinayo shahaado aqoonsi ah.

Tirada Musharaxiinta is diiwaangalisay ilaa iyo hada ayaa aad uga yar tirii markii hore ku dhawaaqday in ay yihiin musharaxiin u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba Akhriso Magacyada Musharaxiinta Ilaa iyo Hada Isdiiwaangaliyay:

1: Sheekh Shariif Sheekh Axmed
2: Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
3: Cabdiqaadir Cosoble Cali.
4: Maxamuud Maxamed Culusow.
5: Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
6:C/naasir Cabdulle Maxamed.
7: Bashiir Raagge Shiiraar
8: Amb. Maxamed Cali Ameeriko
9: Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
10: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

11: Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame

12:  Saciid Ciise Maxamuud

13: Jabriil Ibrahim Cabdulle

Maalinta berri ah oo Axad ayaa la soo gaba gabeynaa diiwaan gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha, si loo guda galo howlaha kale ee Doorashada.

8 bisha Feb ayaa loo asteeyay in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxana la filayaa in tartan adag uu dhici doono.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response