Horta Yaa Dib Noo Dhigay – Waa Qormo Ku Anfici Doonta

by Farah C/laahi | Monday, Jan 30, 2017 | 215 views

Ibraahiim Cismaan Afrax (Garsoor Online) —  Ummad jecel in ay noqdaan kuwa ugu sarreeya dunida (san ku neef lohoo idil) haddana oraa hohoodu ay saluugayaan siyaa bihii lagu noqon lahaa tabtaas ama si u dhaw. Dad doonaya in ay wanaag helaan misana saad sanaya shar. Waa duul markay hadlayaan soo tufaya dacar,  daxal iyo carun. Haddiise hadal lotaban uu afkoodu soo tebiyo mar kasta, laab tooda iyo maankooda maxaa kujira?

Ku dhawaad 30 sano ayey dalka iyo dad kuba ku sugnaayeen marxalado kala duwan. Waase amar Ilaahey’ esow afafkeenna iyo addimadeennu sabab u meysan aheyn wixii dhacay? Dabcan haa. Laakiin tabaha inoogu wacan baa lagu kala aragti duwan yahay.

Markad qof Soomaali ah weydiiso “dalku inuu burburo, asaagii kaharo, dadku ku baaba’aan colaad, tahriib iyo abaarba, qaar koodna ay u qaxaan dalal shisheeye, maxaa u sabab ah?”. Meeldheer lagama jeriyo war-celinta oo waa sidan“Qab-qable, ganacasato, wadaaddo iyo siyaasiyiin qarriban baa qari naga tuuray”. Hagaag, kuwaasi waxay ka qeybqaateen falalkii aan u iskudabarjarnay. Aqbalay, Hase ahaatee dad kaloon ad rumeysaneyn baa jira kuwaa soo lagayaabo in ad adigu ku jirto.

Haddii qolyaha gummaaday ee gammaariyay calanka, ciidda iyo umaddeenna aad ogaatay aan kubaro kooxda kale. Ka bax haddaad ku jirto (sida aniga oo kale). Haddiise aad hore ugu jirin, ka duceyso inaad kamid noqoto. Una Alle-bari kuwa kujira ee wali u haysta in ay saxan yihiin. Iyagoo eedda saaraya dhiggooda kale. Laakiinse aan garwaaqsaneyn in ay iyagu eex dhinac isla mariyeen.

Cid walba ee rajo xumo muujisay, filaneysana sanadba sanadka ka dambeeya in la galayo mugdi iyo maqaar-saar waxay qeyb ka yihiin kuwa dib inoo dhigay.  Ogowse shar iyo kheyr wixii aan rajeyno oo aan filanno ayaanu heleynaa. Wax wanaagsan adigoo rajeynayahelamawaay. Iyo wax xun (shar) filo oo ha kugu habsadaan kee baa wacan?

Dadka Islaamka ah waxa lagu waajibiyey Iney wax wanaagsan rajeeyaan oo ay sammaan la yimaadaan. Bal ila akhri oo macneheeda ila dhuux aayadda boqoliyo tobnaad (110) ee suuradda Kahfi:

 فَمَنْ كَانَ يَرْجُوا لِقَاءَ رَبِّهِ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًا صَالِحًا

Oo macneheeduyahay “qofkii ahaaday mid rajaynaya la kulanka Rabigiisa, ha sameeyo shaqo wanaagsan (camalka wanaagsanna waa in uu ahaado mid Nabi Muxammed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee looga dayanayo, iyo mid Alle dartiis loo sameynayo)”. In kastoo aayaddan ay ka warrameyso la kulanka Eebbe haddane waxay culimadu u daliishadaan baabka rajada. Eebbe wuxu Sidoo kale kuyiri aayadda 53-aad ee suuradda Zumar:

ﻻ ﺗَﻘْﻨَﻄُﻮﺍ ﻣِﻦ ﺭَّﺣْﻤَﺔِ ﺍﻟﻠَّﻪِ

“Haka quusanina raxmada/ naxariistiisa Ilaahey”. Waxad dareemeysaa in had iyo gooraale qof ka muslimka ah laga doonayo in uu san ka niyadjabin baraaraha xitaa haddii lagu sugan yahay marxalad dhibiyo masiibo ah.

Dhan kale ayaan jecleystay in aan wax kaa tuso’e ila soco. Caruurta aaddhashay ama aad Alle ka rajeyneyso in uu kugu manneysto maxaad jeclaan laheyd in ay noqdaan? Dabcan waxad markasta ugu duceyn laheyd inuu        Ilaahey kaaga dhigo baarriyaal. Balse dhulkii ay ku noolaan lahaayeen (Soomaaliya) maxaa kuudiiday in aad nabad, horumar iyo caddaalad aad u rajeyso? Xitaa haddii dadka hoggaanka dalka haya aad u aragto kuwo aan xilgudan Karin, miyaad u quuri kari waysay duco laabta ka soogo’day?

Ugu dambeyntii, Soomaaliyeey waxan rajeyno ama aan filanno waa sadkeenna ee hala ogaado. Qofka xilkahaya ama isku soo sharraxa yeynaan xagxagan, qabiil yeynaan ku qiimeyn ee kuu doono ha ahaado’e aynu ugu duceyno in uu Rabbi la garabgalo. Si gaar ah jiilka hadda jooga waxan kula talinayaa in ay saadiyaan, sawir taanna xasillooni, sinnaan iyo barwaaqo si kuwa kadambeeya ay ugu nagaadaan riyadaas oo rumowday.

W/Q: Ibraahiim Cismaan Afrax

Boorama, Awdal, Soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response