Hooyo iyo Caruurteeda oo Biyo La’aan u Dhintay

by Farah C/laahi | Saturday, Jan 28, 2017 | 25 views

SABLAALE (Garsoor Online) — Hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay ayaa haraad ugu dhintay gobolka Sh/hoose sida uu xaqiijiyay Nuur Ibraahin Cali Guddoomiyaha Degmada Sablaale ee gobolkaas.

Nuur Ibraahin Cali, Guddoomiyaha Degmada Sablaale ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in hooyadan iyo labadeeda caruurta ah ay abaarta aawadeed uga carareen Sabalaale, isla markaana ay u socdeen degmada Baraawe, laakiin intii aysan halkaa gaarin ay ku dhex ku dhinteen.

Waxa uu sheegay in biyo la’aan daran ay ka jirto deeganaadsi, taasna ay keentay abaarta ka jirta qeybo kamid ah gobolka.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in cuduro ka dhashay abaaraha ay ka dilaaceen Sablaale, haatana ay la ildaran yihiin dadka badan.

Dhacdooyinka ah dad haraad u geeriyooday xilligan dalku ku jiro abaarta daran ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen meelo badan oo dalka ah.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response