Hogaamiyaha Puntland oo Booqanaya Magaalo Laga Saaray Kooxda Daacish

Hogaamiyaha Puntland oo Booqanaya Magaalo Laga Saaray Kooxda Daacish

0
SHARE

BOOSAASO (Garsoor Online) — Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwalli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa tagay degmada Qandala ee gobolka Bari, oo lagala wareegay kooxda Daacish.

Wafdiga madaxweynaha maamulka Puntland oo ay kamid ahaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa safarkooda wuxuu ahaa mid si weyn loo hadal hayay labadii maalin ee lasoo dhaafay.

C/Welli Gaas ayaa labadii maalin ee ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Waxgaradka degmada ayuu kula kulmay degmada Qandala ee gobolka Bari.

C/Welli Gaas, ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in maamulkiisa uu ka warheyn doono dadka ku nool dhamaan deegaanada dhaca xeebaha deegaanada Puntland.

Deegaankaasi ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxaa laga saaray ciidamo taabacsan kooxda Daacish.

Garsoor Online — BOOSAASO

LEAVE A REPLY