Hanti Dhowrka oo si dadban ugu Jawaabay Sheekh Shariif

Hanti Dhowrka oo si dadban ugu Jawaabay Sheekh Shariif

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Dr. Nuur Faarax Jimcaalle Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa si dadban ugu jawaabay Musharax Sheekh Shariif iyo qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxtanimo ee Soomaaliya.

Musharaxiintan ayaa maalmihii la soo dhaafay ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in dhaqaalaha Dowlada uu u isticmaalayo ololahiisa Doorashada dalka.

Hanti dhowrka ayaa sheegay in ay san jirin cid ku takrifali karta hantida qaran, isla markaana been abuur ay tahay eedeymaha loo jeedinayo Madaxda Dalka.

Nuur Jimcaale Faarax ayaa horay u sheegay in ay xafiiskiisa uu si dhaw ula socon doono xiligan kala guurka ah in musuq-maasuq uu dhaco, waxana uu ka digay in la sameeyo sidaasi.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Hanti dhowrka Guud 

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY