Halkee ayuu Ku Danbeyn Doonaa Sh Shariif Sh Axmed?

Halkee ayuu Ku Danbeyn Doonaa Sh Shariif Sh Axmed?

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wali ku sugan dalka Soomaaliya, waxana uu guul daro labaad kala kulmay doorashiid dhawaan ka dhacday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan ka soo laabtay dibadda oo uu afar sano ku maqnaa, waxana hada uu wali dagan yahay hoygiisii Ololaha oo ku yaal Muqdisho.

Ilo ku dhaw-dhaw Shariif ayaa u sheegay Garsoor Online in Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu saaxiib dhaw la yahay Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo hada ah Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed oo Afartii sano ee la soo dhaafay dibada ku maqnaa waxbarashana ku soo qaatay halkaa ayaa loo badinayaa in uu joogi doono Muqdisho, madaama aysan siyaasad ahaan is necbeen Madaxweynaha hada la doortay.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu dib ugu laabanayo dibadaha halkaasi oo uu soo qaadan doono nasiinadiisa.

Shariif Sheekh Axmed ayaan dooneyn in uu qabto xil ka hooseeya Madaxweynanimo, waana taas mida ku hogaamineysa in uu san rajo ka siiyeelan siyaada hada jirta.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa labo jeer ku guul dareystay in uu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya, waxana loo badinayaa in mar afarad uu tartami doono sanadka 2021ka.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY