Halkee ayay Ku Danbeysay Doorashadii Galmudug

by Farah C/laahi | Monday, Jan 30, 2017 | 56 views

CADAADO (Garsoor Online) — Xildhibaan Feysal Axmed oo ka tirsan Barlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dib ay u dhigeen doorashadii Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Feysal Axmed ayaa tilmaamay in Xildhibaanadii xilka ka qaaday Madaxweyne Guuleed ay kulmeen, isla markaana ay isla ogolaadeen in dib loo dhigo doorashada, madaama xaalad kala guur ah uu dalku ku jiro.

Xildhibaanka ayaa intaa hadalkiisa ku daray in sidoo kale cosiyo kala duwan uu uga yimid Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Beesha Caalamka gaar ahaan danjire Micheal Keating.

84 xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Maamulka Galmudug ayaa horay u sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, inkastoo Madaxweynaha Galmudug uu ka soo horjeestay go’aankaas.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response