Gudoomiyihii Maxkamada Kismaayo oo Shaaciyay Go’aan Lama Filaan ah

by Farah C/laahi | Sunday, Mar 19, 2017 | 18 views

KISMAAYO (Garsoor Online) — Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in gudoomiyaha Maxamadda Magaalada Kismaayo uu ku dhawaaqay  in uu iscasilay.

Gudoomiyaha iscasilay ayaa waxa lagu magacaabaa  Sheekh Xasan Macalin Aadan, waxaana Sanadyadii lasoo dhaafay uu ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Kismaayo.

Ilo ku dhow Madaxtooyadda Jubbaland ayaa Risaala u sheegay in Sababta uu isku casilay in ay tahay Mushaar la’aan soo wajahday.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu Cabasho xooggan uu ka muujiyay dhaqaalo xumo ka jirta Maxkamadda Magaalada Kismaayo.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response