Madaale oo weeraray Muungaab & Tarsan

by Farah C/laahi | Wednesday, Feb 1, 2017 | 43 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maamulkiisa uu yahay mid wax qabad u dhisan, balse uusan la mid aheyn sida kuwii ka horeeyay oo lacagta dadka jeebka ku aruursan jiray.

Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta dhagax dhigay dhismaha Wado cusub oo isku xiri doonta degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan oo loogu magac daray Dr. Kadare ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka sugayaan waxqabad.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sanadkii dhamaaday ay dhiseen 4 wado, isla markaana ay rajeynayaan in sanadkan ay sameeyaan in kabadan 6 wado oo qorshaha ku jirta.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa u muuqda in uu noqonayo gudoomiyihii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara gobolka Banaadir burburkii kaddib.

DHAGEYSO Khudbadii uu Maanta ka jeediyay Gudoomiye Madaale Magaalada Muqdisho:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response