Gudoomiye Gaas: Puntland waxa ay Iska Difaaceysaa Cidkasta oo ku soo Xadgubta

by Farah C/laahi | Friday, Jan 13, 2017 | 112 views

GAROOWE (Garsoor Online) — Gudoomiyaha Gobolada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in wadaan howlgallo lagu difaacayo deegaanada uu maamula.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in iyadoo la isku duuban yahay meel looga soo wada jeestay kooxaha Argagixisada ee ku soo duulay deegaanada Gobolada Puntland.

Cabdiwali Gaas ayaa carabka ku adkeeyay in ay iska difaaci doonaan cidkasta oo ku soo xadgudubta deegaanada gobolada Puntland, hadii ay ahaan laheyd Xag Amaan ama mid jiritaan.

Gudoomiyaha Gobolada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markale ku celiyay in ay cafis u fidinayaan xubnaha wali ka tirsan Al Shabaab iyo Daacish ee ku sugan deegaanada Puntland, hadii ay ka tanaasulaan fikirka kooxahaasi.

Maamulka Gobolada Puntland ayaa horay dagaalo kala duwan ula galay Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolada la isku yiraa Puntland ee Waqooyi Bari Somalia.

Garsoor Online — GAROOWE

Like it? Share it!

Leave A Response