Goormaa La Magacaabayaa Golaha Wasiirada, Maxaase Iska Badlay Wasiiradii Beelaha Hawiye

Goormaa La Magacaabayaa Golaha Wasiirada, Maxaase Iska Badlay Wasiiradii Beelaha Hawiye

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xiliga la magacaabayo Golaha wasiirada Soomaaliya, kuwaasi oo ah qiimeynta ugu weyn ee dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Qorshaha ayaa ahaa in muddo 15 cisho ah uu Ra’iisul wasaaraha ku soo magacaabo Golaha Wasiirada, hase ahaatee hada taas wax badan ayaa iska badan.

Arrimaha ugu waa weyn ayaa ah, tirada Golaha Wasiirada ay noqon doonaan, sida beelaha loogu kala qancin karo Wasiiradaha waa weyn ee heerka (A) ah.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa madaxweynaha weydiistay in loo ogolaado in uu isagu qanciyo Beelaha Hawiye madaama uu ka soo jeedo, laakiin wali ma helin Ogolaanshiyo sax ah.

Waxaa hada had in Magacaabista Golaha Wasiirada ay dib u dhici doonto ilaa iyo 20ka bisha sida ay ilo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha u xaqiijiyeen Garsoor Online.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin karin ayaa sheegaya in dooda ugu weyn ay ka taagan tahay boosaska ay kala heli doonaan beelaha Agaal iyo Habargidir.

Ra’iisul wasaaraha ayaa loo soo jeediyay in Abgaal uu siiyo wasaarada Arrimaha Gudaha, Halka uu Habargidir ku abaal marin karo Wasaarada Maaliyada, laakiin warkaas wali la iskuma raacin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in aysan badan Liiska Golaha Wasiirada Soomaaliya, halka uu Ra’iisul wasaaruhu rabo in la qanciyo beelaha oo dhan.

Xasan Cali Kheyre ayaa hada waxa uu soo afjaray wada tashiyo uu la qaadanayay xildhibaanada dowladda, waxana Madaxtooyada lageeyay CV-yada boqolaal qof oo xil wasiir dooneysa.

Sida ay u badan tahay 20ka bishan ayay gaari doontaa Magacaabista Golaha Wasiirada, inkastoo ay macquul tahay in ay ka soo hormarto.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY