Goobtii Lagu Qaban Lahaa Doorashada oo La Badalay

by Farah C/laahi | Saturday, Feb 4, 2017 | 24 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la badalay goobtii horay loogu qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Qaar kamid ah warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayay in ay ka dhacdo dugsiga Janaraal Kaahiye, halkaasi laga badalay oo aysan ka dhici karin.

Wararka ayaa sheegaya in dacwooyin badan oo qeexaya kalsooni darada ay xildhibaanadu ku qabaan in doorashadu ay ka dhacdo Iskuul buluusiya loo gudbiyay Qaramda Midoobay iyo beesha caalamka.

Taasi ayaa keentay in la badalo halkii markii hore loo qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada.

Ila wareedyo ka tirsan Gudigga Doorashada ayaa sheegaya in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay ka dhici doonto Goob hada la sii diyaariyay oo u dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wali lama cayimin halka ay noqon doonto laakiin waxaa la sheegayaa in kalsooni daro badan ay muujinayaan xildhibaanada isbadal doonka ah ee ka soo horjeeda Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.

Doorashada Soomaaliya waxaa ka dhiman muddo 4 bari ah, lamana oga sida ay suurogal ku noqon karto in la badalo goobtii markii hore loo qorsheeyay in doorashada lagu qabto.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response