Ganacsade Galabta Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho + Magaciisa

Ganacsade Galabta Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho + Magaciisa

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Kooxo hubeysan ayaa galinkii danbe ee maanta (Axad) ku toogtay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha Ganacsade si weyn looga ya qaan Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u xaqiijiyay Garsoor Online in rag bastoolado ku hubeysan ay Suuqa Bakaaraha ku dhex dileen Ganacsade Cismaan Aadan Qalab-Xoor.

Ragii dilka geystay ayaa lagu waramayaa in ay ka baxsadeen goobta uu dilku ka dhacay.

Ciidamada Amaanka dowladda ayaa dilka kaddib soo gaaray goobta, waxana ay bilaabeen baaritaano ay ku baadi goobayaan ragii dilka fuliyay, laakiin ciidamadu ma sheegin dad ay u soo qabteen falka dilka ah.

Ganacsade Cismaan Aadan Qalab-Xoor ayaa maalmo ka hor ka badbaaday Qarax Miino oo loogu xiray gaarigiisa.

Ma jirto koox sheegatay in ay mas’uul ka yihiin dilka Ganacsadahan, hase ahaatee waxaa iska caadi ah Magaalada Muqdisho in qof ganacsade ah la dilo iyadoo aan gacanta lagu soo dhigin kooxiihii dilka geystay.

Garsoor Online — MUQDISHO

LEAVE A REPLY