Gabar Askari ah oo Fariin u Dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

by Farah C/laahi | Monday, Jan 16, 2017 | 328 views

ISTANBUL (Garsoor Online) — Furqaan Cabdirashiid oo ah Askari ka tirsan Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa fariin u dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Furqaan ayaa wax yeelo ka soo gaartay shil gaari oo ka dhacay gobolka Sh/hoose iyadoo gudaneysay waajibaadkii Qaran.

Waxayeeladii ka soo gaartay ayaa sababtay in ay naafo noqoto, iyadoo howla caafimaad u joogta dalka Turkiga, waxana Umadda Soomaaliyeed ay uwada rajeynayaan in Alle uu Caafimaadkeedii ay dalka ku difaceysay u soo celiyo.

Hadaba Furqaan Cabdirashiid ayaa Fariin u dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxana fariinteedu ay u qorneyd sida tan:

“Mudane Madaxweyne ma laga yaaba sidaan in aan isku aragno markale, anigoo xaladan ku jira, waayo waad istagsan tahay adiga, anigana kursi curyaan ayaan ku fadhiyaa”.

“Malaga yaabaa in aad ii damqato sida gabadhaada oo kale, ma laga yaabaa in aad ii gasho booskii Aabe, Ma laga yaabaa in aad iga dhigto ina Xasan Sheekh Maxamuud oo kale, su’aashaa jawaab ma lahan sidaan filayo”.

“Madaxweyne tuutaha waa dhiigeyga iyo dheecaankeyga intaan nolahay kama dheeraanayo tuutaha aaf sidato ee ilahay caafimaad buuxa ha isiiyo, waa waqti dambe Illaahay waxan ka baryaa inuu dareenkeyga dib igu so celiyo insha allh, Mudane Madaxweyne hadalkan daah kama saarno sarbeebta garo garaad lahaaw guul inta samaha jecel Mudane Madaxweyne xuman ma jiro ee kor igala soco insha allh”.

Garsoor Online — ISTANBUL

Like it? Share it!

Leave A Response