Gaafoow Muxuu Ka Yiri Wararka sheegaya in Loo Magcaabay Laanta Socdaalka

Gaafoow Muxuu Ka Yiri Wararka sheegaya in Loo Magcaabay Laanta Socdaalka

0
SHARE

Taliyihii Hore Ee Hay’adda NISA Gen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud Ayaa Beeniyay Warqad Been Abuur ah Oo Lasoo Dhigay Baraha Bulshada, Taas oo lagu Sheegayo in loo Magacaabay Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Gen Gaafoow Ayaa Sheegay in uu Garanayo Kooxaha Ka dambeeya Been Abuuka intaa la Eg, isagoo sheegay in ay ku suganyihiin Hoteelada iyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Gaafoow Ayaa Nasiibdarro ku tilmaamay in La Muduufikeeyo Saxiixa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna dalbaday in talaabo laga qaado kooxaha arrintaan ka dambeeyay.

“Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay, Hoteelada iyo Xarunta Madaxtooyada ayay ku suganyihiin, waana fool xumo in dadka farsameeyay Saxiixa Ra’isul Wasaaraha in iyagoo la yaqaano ay ku dhex suganyihiin Madaxtooyada iyo Hoteelada Ku yaala Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Gen Gaafoow.

Gen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa ku baaqay in la ilaalayo nimaadka iyo Dowladnimada, taas oo uu xusay in halgan dheer loo soomaray halka maanta la joogo.

LEAVE A REPLY