Faroole: Muqdisho Reer Gaar ah ayaa Dagan – Dhageyso

Faroole: Muqdisho Reer Gaar ah ayaa Dagan – Dhageyso

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah  musharax u taagan qabashad xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay qabsadeen hal reer oo kali ah.

Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole ayaa tilmaamay in kaalin weyn ay ka soo qaateen dhismaha dowladda Federaalka isla markaana ay rajeynayaan in dowladda soo socota ay noqoto mid dib u heshiisiinta ka shaqeysa.

Isogoo hadalkiisa sii wata Faroole ayaa waxa uu sheegay Magaalada Muqdisho ay aheyd magaalo Soomaaliyeed oo lawada dagan yahay, hase ahaatee dagaaladii soo keeyay ee sababeen in lagu kala guuro.

Waxa uu intaa ku daray cid gaar ah ay u badan tahay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, hadii la rabo in la soo wada dagana laga shaqeeyo sidii ay dadka kale u imaan lahaayeen.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa hadalkan ka sheegay xaflad xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, taasi oo uu soo qaban-qaabiyay Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

DHAGEYSO Cod Senator Cabdiraxman Sh. Maxamed Faroole:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY