Farmaajo: Waxaan Burburinay Saldhig Al Shabaab ay lee yihiin

by Farah C/laahi | Sunday, Jun 11, 2017 | 74 views

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayaa lagaga hadlay weerar lagu qaaday saldhig tababar oo ururka Al-Shabaab ay ku lahaayeen meel u dhow degaanka Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkan ay fuliyeen ciidamada Soomaalida ee sida gaarka ah u tababaran oo taageero ka helaya ciidamada kale ee caalamiga ah, iyaga oo bartilmaameedsaday saldhigan oo ahaa goob tababar, waxaa qoraalka ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in hawlgalkaasi u dhacay si guul ah, isla markaana lagu burburiyey Taliskii Shabaab iyo weliba isku xirkii sahayda.

Sidoo kale Qoraalkn ayaa lagu sheegay in tani ay si weyn u dhaawacayso awooddii ururka Al-Shabaab u yeelan lahaa inuu weeraro cusub ku qaado meelo ka mida Soomaaliya.

Radio Risaala

Like it? Share it!

Leave A Response