Farmaajo waa in uu Magacaabo Ra’iisul Wasaarahan

Farmaajo waa in uu Magacaabo Ra’iisul Wasaarahan

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Arabaca 22-ka Februay, waa maalinta caleemo saar-ka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduulahi Farmaajo, arrinta la wada sugaayo middaasi ma aha, waa ku dhawaaqista ra’isul wasaaraha federaalka ah ee Soomaaliya, qofka uu noqon doono, beesha uu ka dhahay, sababaha lagu xulan doono iyo su’aalo badan oo dadka ka dhex-guuxaya!

Hadaba Halkan Ka Akhriso Astaamaha Ra’isul Wasaaraha Soo Socda.

Maaxweyne Farmaajo: Ra’isul Wasaaraha Waa In Uu Ka Fiicnaadaa Madaxweynaha: dMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dhaliilaya dowladihii ka horreeyay waxaa uu  ku sheegay khudbaddii murashaxnimadiisa in dhibaatada jirta ay tahay in madaxweyne walba oo shaqada ka ceyriyo sadex(3) ra’isul wasaare sababtuna ay aheyd dano gaar ah iyo in madaxweynaha uu soo xulo qof isaga ka liita.

Farmaajo oo baarlamaanka la hadlaya waxaa uu yiri:”Laga soo bilaabo 2000 illaa hadda, madaxweyne walba waxa uu shaqada ka tuurayay ra’isulwasaare-yaal, ninka ugu yar oo saddex ra’isul wasaare keenay, macneheedu waxay tahay arrintaa, awalba waxaa lagu wadashaqeynayay dan gaar ah, danguud ummaddu iskuma qabsato, haddii ninka madaxweynaha ah uu ra’isul wasaaraha ku keeno dan guud waa inuu keenaa qof ka fiican maaha inuu raadiyo qof xun ama qof liita inuu keeno maaha, haddii ay wax isku qabsadaanna waa in baaralmaanka sharafta leh la soo dhexgeliyo howsha oo la yiraahdo talo fiican keena labadaan talo ayaan isku haynaaye, waxaa laga yaabaa ra’yi ka fiican labada inuu keeno”.

Hadaba, madaxweyne Farmaajo waxaa xiri doona qowlkaasi, waxaana looga fadhiyaa in uu soo xulo ra’isul wasaare isaga ka fiican, kuna soo xulo danta guud isla markaana uu ka fogaado isku dhaca isaga iyo wasiirka koowaad.

Taariikhda Iyo Dhaqanka Yaqaano:

Yaasin Cabdi Jamac oo ah xogeyaha guud ee guddiga doorashada heer federal, waxaa uu soo jeediyay in ra’isul wasaaraha soo socda lagu soo xulo karti, aqoon iyo wax-qabadkiisii hore. 

Mr. Yaasiin waxaa Farmaajo xusuusinayaa in ra’isul wasaaraha uu noqdo  mid madaxweynaha ka badiya aqoonta uu u leeyahay  beelaha, dhaqanka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

Cali Nuur Boodaaye oo ah Xildhibaan hore waxaa uu Farmaajo kula taliyay in uu soo xulo ra’isul wasaare yaqaano taariikhda Soomaaliya.

” Ra’isul wasaaraha waa in uu yahay nin taariikhda Soomaaliya wax badan ka yaqaanno, dhaqanka qabaa’illada Soomaaliyeed wax badan ka yaqaanna, dowlad goboleedyadana yaqaanno sidii loola dhadqmi lahaa, waa inuu ahaadaa qof la jaan-qaadi kara madaxweynaha howlaha laga sugayana ka soo bixi kara, waa inuu leeyahay maamul wanaag, dib u heshiisiin, cadaalad iyo horumar la taaban karo”.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil waxaa uu madaxweynaha Farmaajo kula talinayaa in uu soo xulo ra’isul wasaare  wadaniyad xoog leh ay ku dheehan tahay, khibtad shaqo leh, tacliin ku filan leh, laguna yaqaanno hufnaan iyo karti.

Xildhibaan Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi waxaa uu isna dhankiisa sheegay sida uu u arko ra’isul wasaaraha ay Soomaaliya xilliga u baahan tahay, waxaa uuna yiri

“Nooca ra’isulwasaaraha loo baahan yahay aniga fikirkeyga waxa weeye, ra’isul wasaare Soomaali ah, wadani ah, aqoonyahan ah, waayo arag ah, howl-kar ah, daacad ah, dalka iyo dadka Mukhlis u ah, caadil ah, aaminsan waxqabadka ummadda Soomaaliyeed, aaminsan in xukuumadda uu shacbiga Soomaaliyeed leeyahay, isku kalsoon, wadashaqeyn fiican la leh madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka ah, firfircoon, dalka Soomaaliyeed oo dhibaateysan oo colaadaha iyo kala qeybsanaanta iyo dhaqaale xumadu hayso ku hamiya 24-kii saac sidii uu uga fujin lahaa dhibaatadaa isaga iyo xukuumadiisu uga furfuri lahaayeen”.

Qof Haween Ah:

Guddoomiyaha ururkaasi Batuulo Sheekh Axme Gabelle ayaa sheegtay iney la kulmi doonaan Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, kana dhaadhicin doonaan in qof dumar ah loo dhiibo xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Waan la kulmeynaa madaxweynaha, waxaan ka rajeyneynaa anoo ka tarjumaya dareenka gabdhaha iyo danta umadda Soomaaliyeed in gabadh uu ka dhigo Ra’iisul wasaare, waxa ugu qiimaha badan ee gabdhaha dalkooda u qaban karaan waa iney u haystaan awood ay dalka iyo dadka ugu adeegi karaan, hay’adaha dowladda in gabdho loo dhiibo sida amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo maaliyadda ayaan dooneynaa.

XIGASHO: Goobjoog

LEAVE A REPLY