Farmaajo oo Fariin u Diray Madaxda La Safan Xasan

by Farah C/laahi | Monday, Jan 30, 2017 | 117 views

MUQDISHO (Garsoor Online) —  Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa manta shirjaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku weeraray qaarkamid ah madaxda maamul goboleedyada oo uu ku eedeeyay in ay kamid yihiinOlolaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo in dib loogu doorto.

Farmaajo ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada qaarkood ee ololaha kawada Muqdisho looga baahnaa in ay ka shaqeeyaan hagaajinta xaaladaha nololeed ee ka taagan gobolladooda halkii ay waqti iyo maal ku bixin lahaayeen waxa uu ku tilmaamay hogaamiye ku‘fashilmay’ hoggaankii iyo masuuliyaddii dalka.

“Waxaanfursadan uga faa`iideysanayaa inaan ugu baaqo madaxda dowlad goboleedyada in ay dhex-dhexaad ka noqdaandoorashada madaxtinimada ee nagu soo foodleh,ayna xoogga saaran wax ka qabashada dhibaatooyinka maamul iyo nololeed ee kajira deegaannada qaarkood. Waxaa nasiibdaro ah in ay qaar ka mid ah madaxda dowlad Gobolyeedadu isku dayayaan in ay shacabka Soomaaliyeed ku qasbaan hogaamiye ku fashilmay hoggaankii iyo masuuliyaddii dalka oo aan ognahay meesha uu dalka dhigey afartii sano ee la soo dhaafay.” Ayuu yiri Musharrax Farmaajo.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response