MD Farmaajo oo La Kulmay Kooxda Damul Jadiid

MD Farmaajo oo La Kulmay Kooxda Damul Jadiid

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa la kulmay siyaasiyiinta ugu caansan koox diimeedka Damul Jadiid.

Mr. Farmaajo ayaa hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho ku casuumay xubnaha ugu caasan dowaldda hada dhacday.

Xubnaha ka socday kooxda damjadiid ee uu la kulmay Farmaajo ayaa waxaa hogaaminayay Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Faarax Sheekh Cabdulaaqdir.

Waxaa kaloo kamid ahaa Odowaa iyo Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan kooxda Damul Jadiid.

Arrimaha ugu waa weyn ay kawada hadleen ayaa waxaa kamid ah in xilal muhiim ah laga siiyo dowladda soo socota.

Farmaajo ayaa u sheegay in aan la hilmaami doonin Damul Jadiid isla markaana ay wax ka heli doonaan talada dowladiisa.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY