Fannaanadda Rihanna oo Ka Hadashay Go’aanka Trump

Fannaanadda Rihanna oo Ka Hadashay Go’aanka Trump

0
SHARE

WASHINGTON (Garsoor Online) — Iyadoo jawaabo kala duwan laga bixiyey siyaasadda muhaajiriinta ee madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ee uu uga mamnuucay dalka Mareykanka inay soo galaan muwaadiniinta waddamada Iraq, Iran, Libya, Somalia, Sudan Syria iyo Yeman ayaa fannaanadda heesaha deggen ee jacaylka u badan ku luuqeysa ee Rihanna ay ku qortay barteeda Twitterka hadallo ay ku muujineyso sida ay uga xun tahay go’aanka Donald Trump iyadoo xoojineysa hadallo ka soo yeeray dad badan oo caan ah.

Amarka ka soo baxay madaxweyne Donald Trump ayaa looga mamnuucay dalka Mareykan inay soo galaan dad ka soo jeeda 7 dal oo badankood ah Muslim muddo 90 maalmood ah

“Waa wax laga xumaado, warkani waa mid qalbi jab ah, America indhaheenna hortooda ayaa lagu burburiyey, Alla maxaa sidaani tahay wax anshaxa ka fog, Rihanna ayaa hadalladan ku qortay barteeda Twitterka habeennimadii sabtida.

Qoraalka ay saartay Twitterkeeda waxaa sii faafiyey ama wuxuu heley 30,000 oo retweet waxaana la dhacay oo bogaadiyey ku dhawaad 50,000 oo ah dadka baraha bulshada adeegsada.

Heesaha Rihanna qaado waxaa ka mid ah.

Waxaan Dareemayaa Inaan Ka Rajo Dhigay Ragga

Waxaan Dareemayaa In Jacaylka Aan La Waasho

Waxaan u baahanahay caawinaad gacaliye

Aad ayey xaaladdu iigu xun tahay

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY