Faah Faahin: Weerar Lagu Qaaday Afgooye iyo Al Shabaab oo Qabsaday degmada

Faah Faahin: Weerar Lagu Qaaday Afgooye iyo Al Shabaab oo Qabsaday degmada

0
SHARE

AFGOOYE (Garsoor Online) — Ugu yaraan 2 askari ayaa ku dhintay 9 kalana waa ay ku dhaawacmeen Weerar xoogan oo Xarakada Al Shabaab ay ku qaaden degmada Afgooye oo qiyaastii 30km dhanka Koofureed kaga beegan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cumar Daahir Cilmi Carabey oo ah kuxigeenka Duqa Magaalada Afgooye ayaa saxaafada u xaqiijiyay weerarkaasi, waxana uu xaqiijiyay in dadka dhaawacmay uu ku jiro Gudoomiye Kuxigeenkii Arrimaha Bulshada degmada.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Garsoor Online in labo jiho laga soo weeraray degmada, isla markaana ay maqleen daryanka rasaas culus oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac.

Xaraka Al Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku qabsatay Magaalada Afgooye muddo 2 saacadood ah xalay siqdii dhexe, waxana ay intaasi ku dareen in weerarkaasi ay ku dileen 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Al Shabaab waxa ay tilmaameen in weerarkaasi ay ku qabsadeen saldhiga degmada iyo fariisiin ciidamdu ku lahaayeen duleedka Magaalada, iyagoo xusay in muddo kaddib ay Magaalda isga soo baxeen.

Xaalada Magaalada Afgooye ayaa saaka degan, waxana wararka halkaa ka imaanaya ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay wadaan howlgallo ay Amaanka ku xaqiijinayaan, kuna baadi goobayaan dadkiii weerarka ku soo qaaday degmada.

Garsoor Online — AFGOOYE

LEAVE A REPLY