Faah Faahin Qarax Maanta ka dhacay Baladweyne

by Farah C/laahi | Wednesday, Feb 15, 2017 | 62 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Wararka naga soo gaaraya gobolka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino lagula eegtay ciidanka Ethiopia gudaha Magaaladaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Garsoor Online in Qaraxa miino uu haleel mid kamid ah gaadiid Kolonyo ah oo marayay xaafada Nuur-xawaad ee Magaalada Baladweyne.

Wararka ayaa sheegaya in Kololyada qaraxa lala eegtay ay ka yimaadeen fariisin ciidanka Ethiopia ay ku lee yihiin deegaanka Ceel-jaale isla markaan ay magaalada ay u doonayeen sahay.

Dadka deegaanka oo baqanaya ayaa taleefoonka ugu sheegay Garsoor Online in uu jiro qasaaro soo gaaray Askartii la socotay gaariga uu qaraxu haleelay, balse aysan sidax ah u sheegi Karin tiro rasmi ah.

Qaraxa kaddib ayaa goobta ay wax ka dhaceen waxaa xiray ciidanka Ethiopia, waxana la sheegay in ay bilaabeen howlgalo ay ku soo qab-qabteen dhalin yaro badan.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amaanka Baladweyne oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ka warbixiyaan qaraxalala eegtay ciidanka Ethiopia, hase ahaatee waxa ay muujiyeen in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo qasaro uu ka dhashay.

Ciidanka Ethiopia waxa ay qeyb ka yihiin taliska Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, mana jiro wax war ah oo ku aadan qaraxaasi oo ka soo baxay.

Sidoo kale Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaasi miino ee lala eegtay ciidanka Ethiopia.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response