Faah faahin: Qarax gaari oo Goor dhaw ka dhacay Muqdisho

by Farah C/laahi | Monday, Apr 10, 2017 | 11 views

Wararka naga soo gaaraya Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax uu ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka Martiini ee Degmada Xamar weyne.

Qaraxa ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray Cabdulqaadir cusmaan Faarax (Dr-Yare) oo  tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada.

Dr Yare ayaa la sheegay in ay go’een labada Lugood ,islamarkaana dhaawac culus uu soo gaaray.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa sheegay in  xaaladda Shaqsigaasi ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada ay aad u culus tahay.

“Cabdulqaadir Cusmaan Faarax (Dr-Yare) kana mid shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ayey gaarigiisa miino ugu xireen waana dhaawac lugaha ayaa ka go’ay ” ayuu yiri Xalane.

Like it? Share it!

Leave A Response