Ethiopia oo Safiir cusub u soo magacaawday Dalka Somalia

by Farah C/laahi | Thursday, Mar 9, 2017 | 49 views

Addis Ababa (Garsoor Online) – Dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in Safiir cusub ay u soo magacaabday Magaalada Muqdisho.

Jamaludin Mustafa ayaa noqonaya Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhin doona Caasimada Soomaaliya.

Danjire Jamaludin Mustafa ayaa horey u ahaa Ku Xigeenka Safiirka Dowladda Itoobiya ee u qaabilsanaa Soomaaliya.

Safiirka cusub ayaa howlihiisa shaqo bilaabi doona markii waraaqaha aqoonsiga uu u gudbiyo Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sikastaba, dhawaan aye aheyd markii Dowladda Itoobiya ay shaacisay in ay diyaar u tahay la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response