Dowlada oo Ka Hadashay Dadkii Laga Soo Celiyay USA

Dowlada oo Ka Hadashay Dadkii Laga Soo Celiyay USA

0
SHARE
????????????????????????????????????

WASHINGTON (Garsoor Online) — Axmed Ciise Cawad Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka ayaa ka warbixiyay 90 ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo laga soo celiyay dalkaasi.

Safiirka ayaa sheegay in dadkan la soo celiyay ay Maxkamad xukuntay in dib dalkoodii loogu celiyo, halka qaar kalana ay si iskood ah u dalbadeen dalkooda Hooyo.

Ambassador Cawad ayaa tilmaamay in dadkan qaar kamid ah ay muddo dheer ku xirnaayeen gudaha dalka Maraykanka, isla markaana ay u dulqaadan waayeen xaalada adag ee halkaa ka jirta.

Waxa uu intaa ku daray in dowladda Maraykanka ay ka go’antahay in ay celiyaan dhamaan dadka la xukumay inta rabta iyo intaan rabin.

Mr. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in 90 ruux ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwii iyagu codsaday in dalkoodii dib loogu celiyo, waxan uu hoosta ka xariiqay in ay soo gaartay safaarada warqado ay iyagu qoreen.

Shalay ayaa garoonka Muqdisho waxaa ka soo dagtay diyaarad siday 90 ruux oo Soomaali ah oo laga soo celiyay dalka Maraykanka, kuwaasi oo muddo dheer ku suganaa Maraykanka.

Dhageyso Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka oo Arrinta ka hadlaya:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY