Doorasho Nuuc Cusub ah oo maanta ka dhacday M.M

Doorasho Nuuc Cusub ah oo maanta ka dhacday M.M

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Labo Xildhibaan oo kamid noqonaya Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Xubnaha la doortay ayaa kala matalayay gobolada Awdal iyo Sanaag ee maamulka Somaliland.

Doorashada Kursiga Koowaad ayaa waxaa ku soo baxay Bilaal Idiris Cabdulaahi oo helay 23, waxana kula tartamayay sadax musharax oo kale

Xildhibaan Bilaal Idiris ayaa ka soo jeeda gobolka Awdal ee dhulka Maamulka Somaliland.

Kursigii labaad ayaa waxaa ku tartamay labo musharax oo kala ahaa Saciid Cabdi Xuseen iyo Maryan Axmed Xuseen.

Hase ahaatee Maryan Axmed Xuseen ayaa ku dhawaaqday in ay tanaasushay, waxana sidaasi ku soo baxay Saciid Cabdi Xuseen oo noqday Senatorkii ugu danbeeyay ee ku soo baxa Golaha Aqalka Sare.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY