Doorasho Maanta La Filayo in ay Ka Dhacdo Baydhabo

by Farah C/laahi | Wednesday, Feb 1, 2017 | 11 views

BAYDHABO (Garsoor Online) — Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa ku waramaya in maanta loo balansan yahay in doorasho ay ka dhacdo halkaas.

Xubno ka tirsan Gudigga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa u sheegay Garsoor Online in maanta Baydhabo lagu dooran doono, mid kamid ah 5tii kursi ee dhawaan ay laashay Madasha Hogaanka Qaran.

Beesh Macalin Weyne ayaa iska leh kursigan, waxana la tuhmay in natiijadiisii hore ay ku dhacday Musuq iyo wax isdaba marin.

Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed ayaa horay ugu guuleystay kurisigaasi, waxana kula tartantay Xaliimo Maxamed Cabdi oo aan wax cod ah helin xiligaas.

Goota ay doorashada ka dhaceyso ayaa waxaa lagu waramayaa in ay goobjoog ka noqonayaa xubno ka socda Gudigga Doorashada iyo sidoo kale Odoyaasha beesha iska leh kursigaasi.

Shalay ayaa Magaalada Garowe lagu doortay Xildhibaan Cabdi Maxamuud Maxamed oo ka mid ahaa Shantii kursi ee dib loo celiyay.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response