Doorashadii MD Farmaajo oo Dagaal Ka Dhex Abuurtay

by Farah C/laahi | Friday, Feb 10, 2017 | 76 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Kaddib markii ladoortay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa soo ifbaxaya dagaal afka ah iyo xifaaltan ka dhex bilowday labada beelood ee ugu waa weyn Hawiye.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la gadareemayaa guuxa ah cida loo magacaabayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabi doona Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxana heli doono qof ka soo jeeda beesha Hawiye.

Labada beelood ee ugu waa weyn Hawiye ee kala ah Abgaal iyo Habargidir ayaa isku heysta kursigan, waxana soconaya dagaal adag oo u dhexeeya siyaasiyiinta labada beelood.

Dad badan waxa ay aaminsan yihiin Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo uu xilka Ra’iisul wasaaraha siin doono beesha Habargidir oo xulofo ahaan ku dhaw beesha isaga uu ka soo jeedo ee Mareexaan.

Waxaa jir dhawr Magac oo la hadal hayo in ay heli karaan xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaan kamid ah.

Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya waana Habargidir.

Cabdulqaadir Macalin Nuur oo ah siyaasi ku dhaw Farmaajo – waana Abgaal Waceysle.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Cabdinasir Cabdulle Maxamed oo Habargidir ah, kana mid ahaa musharaxiintii tartamay loo magacaabo xilkaasi.

Wararka oo aan la hubin ayaa sheegaya in Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xilkan siin doono hogaamiye raad ku leh Ahlu Sunna oo xasilin kara gobolada dhexe, isla markaana xiriir fiican la leh Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa muddo 30 cisho gudahood ah ku soo magacaabi doona Ra’iisal wasaare dalku yeesho.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response