Doodihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Doodihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

0
SHARE

Yusuf Garaad (Garsoor Online) — Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed (JUS) berigii aan ardayga ka ahaa 1982 – 1986 waxaa dhaqan u ahayd in ay qabato dood cilmiyeedyo iyo muxaadarooyin ay qaarkood jeediyaan aqoonyahanno iyo Madax Sare oo ay Wasiirro ka mid yihiin.

Doodaha xusuusta igu reebay waxaa ka mid ah dood loo bixiyay Qabiilka iyo Qaranka oo toddobaad ka socotay xaruntii Jaamacadda ee Shabeelle.

Madaxweynaha ayaa furay, soona gunaanaday. Inta ay socotayna waxaa Guddoominayay Wasiirka Tacliinta Sare oo markaa ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.  Waxaa ka hadlay madax sare iyo aqoonyahanno waaweyn.

Maalinba mowduuc ayaa la soo qaaday. Maalintii laga hadlay Qabyaaladda iyo Hantida Qaranka, waxaa la sheegay in qabiilku uu ku dhiirri geliyo qofkii Madax noqdaa in uu xado hantida dowladda. Waxaa tusaale loo soo qaatay in ay qofka Madaxda ah ay xubnaha qabiilkiisu ay ku yiraahdaan hebel oo aad haysaan jagooyin isu dhigma wuxuu tabcaday hanti badan adna waxba ma haysatid.

Waxaa jiray Macallin Jaamacadda wax ka dhiga oo dhakhtar ka ahaa Isbitaalka Digfeer oo sheegay in qabiil kastaa uu leeyahay qab, neceb yahayna qofkii iyaga ka tirsan oo ku kaca fal sharaftooda dhaawacaya.  Sidaa darteed wuxuu soo jeediyay in marka qof mas’uul ah lagu helo xatooyo xoolo dadweyne oo la xukumayo in marka magaciisa la sheego lagu daro reerka uu yahay oo la yiraahdo hebel hebel oo xaday daawada dadka xanuunsan loogu talo galay waa nin reer hebel ah.  Isla markaasna la raaciyo inta jeer ee qof reerkaas ah sannadkaan lagu qabaty xatooyo.  Oo tusaale ahaan la yiraahdo waa markii shanaad ee reerkaas ay fal tuugo ah ku kacaan sannadkaan.

Waxaa kale oo jiray aqoonyahan ku dooday in tusaale ahaan marka qofka ay geeri gasho ama uu qof ka xanuunsado oo uu u baahdo kharash badan oo lagu daweeyo oo markaas aan qofkaasi aqoodin ay khasab tahay in ay qabiil la kaashadaan.  Markaa sida keliya ee taas looga gudbi karaana ay tahay in ilaa la helo adeeg bulsho oo ay Dowladdu u fidiso muwaaddin kasta in aan laga maarmi doonin ku tiirsanaanta qabiilka.

Macallin sare oo Jaamacadda dhigi jiray ayaan xusuustaa in uu hadalkiisa ku billaabay hordhac ahaa in markii la furay symposium-ka uu ka shakisanaa in aan xor loo hadli karin. Markii uu arkay in xor loo hadlayana uu u qaatay in la is calool baarayo oo la xiri doono dadka arrimaha qaar soo hadal qaada.  Laakiin ka dib markii uu arkay in dhowrkii maalmood ee u u horreeyay dadkii hadlay aan la xirin uu isaguna maanta ku dhiirraday in uu dhiibto aragtidiisa.

Waxaa jiray mas’uul ku dooday in qabiil aan la tirtiri karin oo dadku ay is garanayaan laakiin ay tahay qabyaaladda waxa loo baahan yahan in lala dagaallamo.

Qormada tan xigta waxaan ku soo qaadi doonaa dood dhex martay Cabdiraxmaan Jaamac Barre iyo ardayda Jaamacadda.

W/Q: Yusuf Garaad 

Garsoor Online

Info@garsoornews.com 

LEAVE A REPLY