Diyaarado Dagaal oo Duqeyn Ka Geystay Duleedka Magaalada Muqdisho

by Farah C/laahi | Friday, Jan 20, 2017 | 66 views

AFGOOYE (Garsoor Online) — Diyaarado dagaal ayaa lagu waramayaa in duqeyn ay ka geysteen deegaano hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sida dadka deegaanka ay xaqiiyeen.

Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Garsoor Online in diyaaraha duqeeeyeen deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile oo hoostaga degmada Afgooye oo qiysatii 30km u jirta Muqdisho.

Deegaanada duqeyntu ka dhacday ayaa la rumeysan yahay in ay fariisin ku leeyihiin Xarakada Al Shabaab, waxana la soo sheegayaa in gantaalada diyaraaduhu ay rideen ay ku beegsadeen xeryo Al Shabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday deegaanada hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyada duqeyntaas.

Inta badan diyaaradah Maraykanka iyo kuwa dowladaha dariska ah qaarkood ayaa ka fuliya Soomaaliya weeraro xaga cirka ah oo ay ku beegsanayaan Xarumaha Al shabaab iyo hogaamiyayaal ka tirsan kooxdaas.

Garsoor Online — AFGOOYE 

Like it? Share it!

Leave A Response