Dhul Boob Wali ka Socda Muqdisho & dad Cabanaya

by Farah C/laahi | Saturday, Feb 11, 2017 | 32 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Banaabax looga cabanayo dhul boob uu wado Maamulka degmada Dharkinley ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay degmadaasi.

Boqolaal ganacsada Suuqa Xoolaha Xaafada Xoosh ee degmada Dharkiley ayaa mudaharaadkan dhigay, waxana ay uga soo horjeedeen suuq cusub oo dhawaan la dajiyay uu maamulka degmadaasi dejiyo dad gaar ah.

Dad dibadbaxa dhigayay ayaa ku baaqayay in Madaxweynaha Cusub ee Farmaajo uu wax ka qabto Boobka wali soconaya iyadoo dalka uu ku jiro Marxalad kala guur ah.

DHAGEYSO Dibad baxii Ka Dhacay Dharkinley:

DAAWO SAWIRO DIBAD BAXA:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response