DHAGEYSO: Xeer Ilaaliyaha oo Fashiliyay Musuq Maasuq uu Sameeyay Wasiirkii hore ee Maaliyada Fargeeti

by Farah C/laahi | Monday, May 15, 2017 | 51 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa dhaliilay qaabka loo qaado Cashuuraha ka soo xarooda Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Xeer Ilaaliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in lacago cadaan ah oo ay shakhsiyaad qaadayaan lagu dhex arko Garoonka, isla markaana loo baahan yahay in lagu gudbo arrintaasi.

Axmed Cali Daahir waxa uu hoosta ka xariiqay in musuq maasuq weyn uu ka soo ifbaxay Wasaarada Maaliyada taasi oo uu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay canshuur dhaaf ahaan u sameysay lacag ka badana 8milyan oo doolar.

DHAGEYSO Hadal uu jeediyay Xeer Ilaaliye Axmed Cali Daahir:

Garsoor Online — Muqdisho

Like it? Share it!

Leave A Response