DHAGEYSO: Wadahadaladii Ahlu Sunna iyo Galmudug oo Bilaawday

by Farah C/laahi | Wednesday, Apr 12, 2017 | 31 views

Waxaa lagu wadaa in Maanta Wadahadal u dhaxeeya maamulada  Galmudug iyo Ahlusunna  uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Wadahadallada ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Galmudug iyo Ahlusunna.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay heshiiyaan Ahlusunna iyo Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxweynaha Ahlusunna ayaa lagu waddaa in uu ka qeyb galo wadahadaladda.

Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Garwadeen ka ah howlaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna.

 

Like it? Share it!

Leave A Response