Dhageyso + Sawirro: Maxkamada Ciidanka oo Xukun ku riday AL Shabaab reer...

Dhageyso + Sawirro: Maxkamada Ciidanka oo Xukun ku riday AL Shabaab reer Galmudug ah

0
SHARE

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Somaliya ayaa saaka oo Khamiis ah waxa ay xukuno ku riday laba ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo lagu soo qabtay iyaga oo wada gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay cadeymo dhawr ah oo maxkamada la hor keenay kadib in maxkamada ay u cadaatay in eedeysanayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambigii lagu soo oogay.

Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay xukunka labadan ruux inuu noqday min toban sano oo xabsi ciidan ah, qofkii aanan ku qanacsaneyna uu racfaan ka qaadan karo xukunkaasi.

Raggaan maanta ay xukuntay maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa horay waxaa gacanta ugu soo dhigay ciidamada Galmudug, kadibna u soo gudbiyay maxkamada Ciidamada Qalabka sida Darajada Koowaad ee Dowladda Federalka Somaliya.

LEAVE A REPLY